Maxaa kala socotaa taariikhda dadyowgii africada bari (qaybtii1aad)

Qarnigii 5aad M.D. Dadyowga soo daldoorsaday waxay aqoon dheer u lahaayeen beerafalashada, iyo xoolo dhaqatada waxa kale oo meelaha qaarkood ay xirfad fiican u lahaayeen dhalaalinta birta iyo maarta. Beerafalatooyinka waxa u badnaa dadka Baantuuga ah, iyagaana lagu wadaa ina y ka sameeyeen beerafalashadii ugu horaysey dalkaa. Xoolo-dhaqatooyinku waxa ay u badnaayeen dadka suudaanta.

Inkatoo aanay dadkaasi waqtiyadaa lahayn Boqortoyooyin iyo dawlado waaweyn, haddana waxa jirey ururo iyo xeerar dhawra nolosha, dhaqanka iyo xuquuqda mujtamaca.

Nin carab ah oo u dhashay wadanka Ciraaq oo culimadda juqraafiga ka mid ahaa, magaciisana la oran jiray ALMASCUUDI, ayaa doonni kaga socdaalay Gacanka Bershiya ilaa magaalada lagu magacaabo sofala ee wadankaa mosambiik ku taal sanadku markuu ahaa 922 M.D. Al Mascuudi wuxuu qoray in magaladan sofala dahabka iyo foolka maroodiga ay ku baayacmushtarayn jirtay, lagagana rari jirey doonyo ilaa cumaan, dabadeedna halkaa lagaga sii rari jirey doonyo kale ilaa Shiinaha iyo Hindiya. Al Mascuudi wuxuu sheegay in wadankaa boqortooyo ka dhisnayd, waxa boqorka lagu magacaabi jirey ninkii aqoonta badnaa.

Ilaa Qarnigii 9aad M.D. ayey dalalkaa ka abuurmeen dawladihii ugu horeeyey. Dawladahaas madaxtooyooyinkooda marka hore waxa ay dhisnaayeen caaqilnimo. Taasi waxa ku caddahay buugga uu leeyahay Al Mascuudi oo Qaahira lagu qoray 943kii.

Ururadaas ay cuqaashu hoggaaminayeen qaarkood xoog wayn bay lahaayeen, waxaaana ay mar walba u dhowaayeen in ay noqdaan boqortoyooyin. Ururada sidaas ah waxa ka mid ahaa urur la oran jiray Abaatembuusi iyo Hiima oo qarnigii 13 aad ka sameysnaa Yugaandha geesteeda waqooyi iyo geesteeda koonfureed.

Boqortoyooyinkii u horeeyey Afrikada Bari, waxa ay abuurmeen qarnigii 14aad, waxaana abuuray dadka la odhan jiray jiweesiyiinta (chwezi) ee yugaandha xaggeeda koonfureed degganaa.

Boqortoyooyinka halkaas ka jirey mid ka mid ah waxa xukumi jirey Boqorka la odhan jirey Ndahuura waxaana ay xaruntiisu ahayd magaalada la odhan jirey Kibengo oo gobolka Mubeeda ku taalay. Boqortooyo kale, oo Jiwaasiyiinytu ay lahaayeen waxa xukumi jirey Boqor la odhan jirey Wamara oo xaruntiisu ay ahayd magaalada Bigo ee gobolka Bweera.

Boqortooyinkii Jiweesi waxa dalalka Suudaanta kaga soo duulay dadka la yiraahdo Luwo, xukunkii Boqortoyooyinkaasina, ugu danbayntii iyaga ayuu u gacan galay.

Qarnigii 15aad dhammaadkiisii ilaa bilawgii qarnigii 16aad ayey boqortooyin ka abuurmeen Ruwaandha iyo Bugaandha. Habka nolosha iyo dhaqankooduna wuxuu la mid ahaa Jiweesiyiinta.

Diyaariye:

Maxamed Aaden Jaamac ( jabarti)

[email protected]

Buugkaashi

-Buugga uu qoray jaalle Axmed Faarax Ibraahim 1975

-B. Deefisoon: Helidda cusub ee Afrikadii hore -Moosko 1962

-www.wikipedia.org

la soco Qaybta 2aad.

Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *