Hargeysanews.com – 24 hours news channel

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA HOGGAANKA SOMALILAND

Hogaanka Somaliland:Fariin(Furan)

Waa fariin(Furan) kuna jihaysan Madaxda Somaliland fardi fardi iyo wadar ahaanba(golayaasha), waxase ka horaysa salaan iyo hambalyo aan u dirayo Ummadaa reer Somaaliland iyo dhamaaba ummadda muslinka ah meel ay joogaanba, waxaan ilaahay uga beryayaa in nabad, barwaaqo iyo Nimco Rabi inagu dhowro Xasanaadka iyo iyo ajarka bishan Ramadaan iyo waliba ciidda fooda inagu soo haysana ina siiyo-Aamiin.

Mudanayaal waxa jira in xaalad nabadgelyo oo dalkeena ka soo cusboonaatay taasoo u baahan maarayn iyo jilibdhig xoogan ummadda oo midowda oo gacmaha is qabsata oo warxuma tashiilka iyo ku tidhi kuteetnuna meesha ka baxdo, dagaalkuna waa noocyo badanyahay ee maaha milatary
iyo xabadda la ridayo ee waa niyadda iyo wacyigga oo la dhisaa, weedhaaduna gudubtaa taasaa nabad iyo dagaalba wax ka tari karta.
Waxa jirta in aagga ama jiida dagaalkani khuseeyo ee gobalka sool laga maqlo keliya Idaacadda yar ee Radio Laascanood taaso waxa ay shubayso been iyo balaayo aanad malaysan karin oo lagu dhega barjoobayo.
Hadaba Su,aasho waxay tahay sidee loo kaasban ama wax looga raaridi dadaka reer soomaliland ee jiidaa ama degaankaa ku nool hadii aynay gaadhi karin Idaacada Radio Hargaysa ama mid kale oo dadka samaha iyo war run ah u sheegta xumahan ka nahyidda, arrinkena waxa uu ahaa mid ilaa mar horeba aanu ogayn qolyahayagan qurba jooga ahi gol dalooladiisa oo xiitaa isku dayna in Radio Hargaysa internetka laga dhegaysto(Sanadkii 2002da ayey Jaaliaydda Toronto soo dirtay kuna tabarucday farsamoyaqaan reer Somalilaand ah in uu dalkii tago xilkaana dhabarka u rito waana ta keenatay in Radio Hargaysa dibada laga dhegaysto).

Hadaba waxa loo baahanyahay in wax laga qabto lana qabyo tiro arimahan:

1- Idaacad iyo warbaahinta kaleba oo dalka wada gaadha, daruuri keliya maaha ee waa lagama maarmaan, Xukuumaddda waxa looga fadhiyaa in radio Hargaysa dalka iyo gobolkaba gaadho oo laga maqlo hawada. Shicibkuna gacan buuxda ka gaysto.

2- In la joojiyo baayac mushtarka aan xalaasha ahayn iyo isku socodka tuhunku ku jiro ee inaga dhexeeya somalia gaar ahaan Puntlandta ina qasayso oo lacago been abuura suuqyadeena ku soo fatihisa. Waana in lacagtaa la mamnuucaa dalka iyo dhaqaalahaba faddaraynaysa.

3- Ciidamadeena waa in la qabya tiraa oo Darajadii (Rutbadii )ay lahaayeen la siiyaa waayo waa nidaam, haybad waana sharaf .

Madxadii dalkaay bal arimaahaa iyo kuwa kelaba u fiirsada oo yaan loo daymo l,aanin.

Dhagax meel dhowbuu ku dhacaa dhawaaqna meel dheer.

Maxamuud Yusuf Ducaale(Diktoor) Toronto, Canada

Author:Maxamuud Yusuf Ducaale, Canada
(11/7/2004)


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *