Somaliquran

Ummu Xabiiba :

2nd July 2004 
“Allah iyo Rasuulkiisa ayey ka dooratay waxa kasoo haray oo idil”

Ma jirin Qof ka mid ah Qureysh oo aaminsanaa ama rumeysanaa inuu khilaafi karay
ama diidi karay amarka iyo talada uu soo jeediyo Abuu Sufyaan oo ka mid ahaa
madaxda iyo ugaasyada Quraysh. Hase ahaatee, waxaa si dhiiranaan iyo kalsooni
weyn ku jirta gaashaanka ugu dhufatay amarkii Sufyaan gabadhiisii uu dhalay ee
lagu magacaabayay Ramla Bintu Abii Sufyaan, kadib markay iyada iyo ninkeedii
Cubeydillaahi Binu Jaxshi ay ku soo biireen diinta xaqa ah ee islaamka, ayna ku
kufriyeen Illaahyadii ay caabudayeen aabayaashoodii iyo guud ahaan qureysh. Abuu
Sufyaan wuxuu in badan isku dayay inuu gabadhiisii Ramla iyo ninkeedaba uu ka
soo leexiyo diinta islaamka ee qaateen, hase ahaatee wuu awoodi waayay inuu ku
guuleysto arrintaas. Sababtuna waxay ahayd, iimaanka iyo rumeynta Allaah (sw) oo
si qoto dheer ugu sugnaaday laabta iyo qalbiga Ramla Bintu Abii Sufyaan.

Murugo iyo tiiraanyo daran ayaa Abuu Sufyaan hareereeyay, kadib islaamidda ay
gabadhiisa islaamtay, iyo weliba markii uu ku guuldaraystay inuu ku qanciyo inay
dib uga laabato diinta islaamka.

Ramla Bintu Abii Sufyaan oo kunyadeeda loogu yeero Ummu Xabiiba (Xabiiba
hooyadeed)
waxay ka mid ahayd dadkii ku soo islaamay magaallada Makka, waxayna
islaamkeeda kahor ay guursatay Cubeydillaahi Binu Jaxsh oo ay u dhashay Xabiiba.
Ramla waxaa la dhashay Mucaawiya iyo Cutba. Sida la ogsoon yahay, markay aad u
badatay dhibaatooyinkii muslimiinta kaga imaanayay gaalladii Qureysh wuxuu
Rasuulka (scw) u idmay oo u fasaxay inay u qaxaan dhulka Xabasha kuna yaala
Geeska Afrika, iyadoo danta hijradaas ay ahayd sidii ay u badbaadsan lahaayeen
naftooda iyo diintooda.

Haddaba, gabadhii sida weyn ugu qanacday diinta ay soo gashay ee islaamka iyo
ninkeeda Cubeydillaahi Binu Jaxsh iyo gabadhoodii yarayd ee Xabiiba waxay ka mid
ahaayeen muslimiintii ka qaybgalay hijradii 2-aad ee Xabasha.

Xiriirkii qureysh iyo boqorka Najaashi

Muslimiintii waxay si weyn u caddeeyeen dhambaalka uu islaamka xanbaarsan yahay,
waxayna boqorka maqashiiyeen qaar ka mid ah aayadaha quraanka.
Inkastoo ay muslimiintaas magangalyo weydiisteen boqorkii caddaaladda badnaa ee
Najaashi-ga, haddana gaalladii qureysh ee uu hormuudka kaga jiray Abuu Sufyaan
waxay ka qoomameeyeen inay muslimiintaas gacantooda ka baxeen oo carar ku
badbaadeen, waxayna (qureysh) isku dayeen iyagoo muslimiinta ku sugan dhulka
Xabasha inay mariyaan ciqaab daran. Qureysh waxay dirsatay niman u safra
Xabasha, si ay boqorka uga dhaadhaciyaan in muslimiinta dib gacanta loogu soo
geliyo qureysh, iyo sidoo kale inay boqorka u sheegaan in muslimiinta
magangalyada weydiisatay ay wax xun ka sheegaan Nebi Ciise iyo hooyadiis
Maryama.

Boqorkii Najaashii oo doonaya inuu ka gungaaro xaqiiqda hadalladaas ayaa
muslimiintii soo hijrootay madaxdooda ka codsaday inay ka jawaabaan eedaymahaas
loo soo jeediyay, iyo inay caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan Nebi Ciise iyo
hooyadiis Maryama iyo weliba inay bal ku dul-aqriyaan (boqorka) qaar ka mid ah
aayadaha quraanka ee lagu soo dejiyay Nebigooda Muxammad (scw). Muslimiintii
waxay si weyn u caddeeyeen dhambaalka uu islaamka xanbaarsan yahay, waxayna
boqorka maqashiiyeen qaar ka mid ah aayadaha quraanka.

Islaamiddii boqorka Najaashi

“diinta lagu soo dejiyay Nebigiina Muxammad (scw) iyo diinta lagu soo diray
Nebi Ciise (cs) waxay ka yimaadeen hal meel” Boqor Najaashii ka hor intii uusan
islaamin
Boqorka Najaashii oo markaas iyada ah aanan islaamin ayaa markii uu maqlay
aayadihii quraanka si daran u ilmeeyay oo u ooyay, wuxuuna yiri “diinta lagu
soo dejiyay Nebigiina Muxammad (scw) iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise (cs)
waxay ka yimaadeen hal meel”, dabadeedna wuxuu durbadiiba isagoo aad ugu
qanacsan risalaada islaamka uu ku dhawaaqay inuu si dhab ah u rumeysan yahay
Allaha weyn ee wax weliba abuuray iyo inuu Muxammad (scw) yahay Nebiga xaqa ah
Nabadgelyo iyo naxariisi dushiisa ha ahaatee.

Boqorkii Najaashiga wuxuu ciidamadiisa iyo dowladdiisaba amar ku siiyay in la
magangaliyo muslimiintii xaggiisa u soo haajiray, inkastoo ay jirtay qaar ka mid
ah hoggaamiyayaashiisii isaga hoos imaanayay ay ka biyo diideen inay soo
islaameen. Diintoodii kirishtaanka ayay ku sii sugnaadeen.

Ramla Bintu Abuu Sufyaan waxay sii joogtay dhulka Xabasha, iyadoo aad iyo aad
ugu faraxday nabadgelyada iyo magangalyada ay ka heshay iyada iyo muslimiinta
kaleba boqorka Najaashi. Hase ahaatee, iyadoo taasi ay jirtay, haddana wuxuu
Allaah (sw) doonay inuu Ummu Xabiiba ama Ramla uu mariyo imtixaan aad u daran,
imtixaankaasoo kale oo ay ragga intooda badan ku dhacaan.

Imtixaan la mariyay Ummu Xabiiba

Habeen habeennada ka mid ah ayaa waxay riyo ku aragtay ninkeeda Cubeydillaahi
Binu Jaxshi oo ku dhex sugan hirar waaweyn oo ay hirarkaasi hareereeyeen mugdiyo
iyo gudcur aad u weyn, wuxuuna markaasi ku sugnaa xaalad aad u qadhaadh aadna u
xun. Hal mar ayay hurdadii ka soo boodday iyadoo walbahaarsan aadna u
cabsanaysa, mana jeclaysan inay riyadaas ay u sheegto dadka.

Hase ahaatee, waxyar kama soo wareegan jeer tafsiirka riyadii ay aragtay ay si
dhab indhaha u saarto. Maalmo kadib waxaa diintii islaamka ka laabtay oo ka
riddoobay Cubeydillaahi Binu Jaxsh, wuxuuna billaabay inuu har iyo habeen iska
xaadiro goobaha khamaarka isagoo khamraysan. Cubeydillaahi wuxuu afadiisa
dooransiiyay inay ka laabato oo ka riddowdo islaamka iyo inuu furo. Ralma Bintu
Abuu Sufyaan waxaa durbadiiba la soo gudboonaatay mowqif aad u adag, waxayna
aragtay inay doorato 3 midkood.

Waa midda koowaade, inay ninkeeda hadalkiisa u hoggaansato, taasoo ah inay
qaadato diinta kirishtaanka oo ay ka riddowdo islaamka oo markaas ay khasaarto
adduun iyo aakhiro, taasina waa mid ayan marnaba samayn karin kadib markii
laabteeda uu si wacan ugu sugnaaday qanaacada ay ku qanacday diintan xaqa ah ee
islaamka.

Tallaabada labaad ee horyaala waa inay u laabato magaallada Makka, guriga
aabaheed Abuu Sufyaan oo weli aanan islaamin, oo markaasi ay dhibaatooyin badan
ay dhici karto inay kala kulanto, islaamka ay qaadatay awgeed. Iyo inay isaga
sugnaato dhulka Xabasha ama Geeska Afrika, iyada oo keli ku ah oo aan wehelinin
wax qaraabo iyo dad kale ah.

Mowqifkii geesinimo ee Ummu Xabiiba

Allaahu akbar, Ummu Xabiiba waxay ugu danbeyntii qaadatay go’aankeedii
geesinimada badnaa, waxayna doorbidday inuu Cubeydillaahi Binu Jaxsh uu furo,
maadaama uu riddoobay oo uu ka laabtay islaamka. Ummu Xabiiba Ramla Bintu Abii
Sufyaan markii ay ka ciddo baxday Cubeydillaahi waxaa soo gaaray warkii
nolosheedii ugu farxad badnaa ee ay maqashay intay dunida saarnayd.

Waxaa soo doonay Rasuulka (scw)

“Boqorka ayaan salaan kaaga wadaa, wuxuuna ku leeyahay Nebi Muxammad (scw) ayaa
ku soo doonay oo doonaya inuu ku guursado,…” Abraha oo ka mid ahayd
shaqaalihii boqorka Najaashi.
Goor subax barqin ah ayaa Ummu Xabiiba oo ku sugan gurigii ku noolayd
albaabkiisa la soo garaacay. Markay furtay albaabkii waaba Abraha oo ka mid
ahayd shaqaalihii boqorka Najaashi. Abraha waxay si naxariis iyo ixtiraam ku
dheehan tahay u salaantay Ummu Xabiiba, dabadeedna waxay ku tiri “Boqorka ayaan
salaan kaaga wadaa, wuxuuna ku leeyahay Nebi Muxammad (scw) ayaa ku soo doonay
oo doonaya inuu ku guursado, wuxuuna soo diray waraaq uu boqorka wakiilanayo si
uu kuu mehersado, ee qofkaad doontid u wakiilo walaayadaada…”

Maalin aynan weligeed hilmaamin

Ummu Xabiiba waxay farxad awgeed garan weysay meeshay joogtay, waxayna iyadoo
aanan is ogeyn ku tiri gabadhii ula timid khabarkaan farxadda leh “Allaha kugu
bishaarkeeyo kheyr.., Allaha kugu bishaareeyo kheyr”, waxayna markiiba
billowday inay u siibto qaar ka mid ah dharkii quruxsanaa ee ay qabtay iyo
jijimadii ay xirnayd iyadoo siisay gabadhii Abraha, iyadoo sidaas abaalmarin uga
dhigaysa. Ummu Xabiiba, maalintaas waxay u ahayd maalin aynan weligeed
hilmaamin, hantideedii ugu jeclayd ayay gabadhii Abraha si farxad leh damacday
inay siiso, waxaana hubaal ah hadday heesan lahayd hanti ka badan intaas inay
siin lahayd. Ummu Xabiiba waxay nasiib u yeelatay inuu soo doono inta uu Allaah
abuuray kii ugu sharafta iyo fadliga badnaa, waa Nebigeena Muxammad (scw). Waa
hubaal inay dumarka intooda kale ay dheer tahay fadligaas iyo wanaagaas. Waxay
wakiilatay saxaabiga lagu magacaabo Khaalid Binu Saciid Bin Al-Caas oo
muhaajiriintii markaas Xabasha ku sugnaa ugu dhowaaanshaha badnaa x
agga qaraabada.

Arooskii Rasuulka (scw) oo ka dhacay Geeska Afrika

Arooskii ama nikaaxii Rasuulka (scw) ee Ummu Xabiiba wuxuu ka dhacay guriga
boqortooyada Najaashi
Arooskii ama nikaaxii Rasuulka (scw) ee Ummu Xabiiba wuxuu ka dhacay guriga
boqortooyada Najaashi, weliba meel aad u qurxoonayd ahaydna mid ka mid ah
beeraha uu boqorka ku raaxaysto. Goobtii ama hoolkii arooska uu ka dhacayay oo
dhan ayaa la qurxiyay, waxaana hareeraha is qabsaday iftiinkii iyo faynuusyadii
ka shidnaa meel kasta, halka dhulkoo dhanna lagu goglay kaarbeedyo aad u qurux
badan. Saxaabadii ku sugnaa waqtigaas dhulka Xabasha oo idil ayaa goobtii
arooska ka soo qaybgalay, waxaana asxaabtaas hoggaaminayay asxaabta kala ah
Jacfar Binu Abii Dhaalib, Khaalid Bin Saciid Bin Al-Caas, Cabdullaahi Binu
Xudaafa Assahmiyyi iyo kuwo kale si ay uga qaybgalaan arooska Ummu Xabiiba Binti
Abii Sufyaan ee loo guurinayo Rasuulka (scw).

Dadkii oo idil markay yimaadeen, waxaa goobtii xafladda albaabada u furay
Boqorkii Najaashi Allaha u naxariisto kana raalli noqdee, wuxuuna isagoo dadka u
khudbaynaya yiri hadalladan �waxaa mahad oo idil leh Allaha qudduuska ah ee la
rumeeyo ahna kan awoodda oo idil ay u sugnaatay.

Meherkii Ummu Xabiiba 400 dirham oo dahab ah

Waxaan qirayaa inuu Allaah yahay Allaha xaqa dhabta lagu caabudo, waxaan kaloo
qirayaa inuu Muxammad (scw) yahay rasuulkiisa iyo addoonkiisa uuna soo
saaritiinkiisa noogu bishaareeyay Nebi Ciise (cs), intaa kadib: Rasuulka Allaah
(scw) wuxuu iga codsaday inaan ku meheriyo Ummu Xabiiba Binta Abii Sufyaan,
wayna iga aqbashay inaan ku nikaaxo Rasuulka (scw), waxaana meherkeeda ka
dhigayaa annigoo wakiil ka ah Rasuulka (scw) 400 oo dirham oo dahab ah, annigoo
sidaas ugu meherinaya jidka Allaah iyo jidka Rasuulkiisa Muxammad (scw)..�,
kadibna lacagtii meherka ayuu hordhigay Khaalid Binu Saciid Binu Al-Caas oo ay
wakiilatay Ummu Xabiiba.

Ummul-mu�miniin ayay noqotay

Intaa kadib waxaa hadalka qaatay Khaalid, wuxuuna yiri �waxaa mahad weyn ay u
sugnaatay Allaah (sw), waan ku mahadnaqayaa waana kaalmaysanayaa, waan denbi
dhaaf weydiisanayaa waana u laabanayaa, waxaan qirayaa inuu Muxammad (scw) yahay
addoonkii Allaah iyo rasuulkiisa, wuxuu ku soo diray diintii hanuunka iyo xaqa
wadatay.., intaa kadib, waxaan aqbalay codsigii Rasuulka (scw), waana ku
meheriyay Rasuulka (scw) gabadhii la ii wakiishay ee Ummu Xabiiba Binta Abii
Sufyaan, Allaha u barakeeyo Rasuulka (scw) xaaskiisa�.

Fadligaas iyo qiimahaas weyn waxay u soo hoyatay maalintaas Ummu Xabiiba, Ramla
Binti Abii Sufyaan, kadib markii ay nasiib u yeelatay inuu guursado xabiibka
Rasuulkeena Muxammad (scw), waxayna sidaas hooyo ugu noqotay dhammaan
mu�miniinta oo idil, halka ay markii hore ay hooyo u ahayd oo keliya Xabiiba,
dabadeedna wuxuu Khaalid qaaday lacagtii meherka, kadibna isagii iyo asxaabta
kaleba waxay damceen inay goobtii ka dareeraan oo ay baxaan.

Xaflad aad u sarraysa

Hase ahaatee, boqorka Najaashii ayaa ku yiri �fariista, maxaa yeelay waddada
nebiyada lagu yaqaano hadday guursadaan ayaa ah inay waliimo ama alla-bari
(cuntada la sameeyo xafladda guurka) sameeyaan. Boqorkii wuxuu amar ku bixiyay
in la keeno raashinkii xafladda, waxyar kadibna waxaa la keenay cunto aad u
heersarraysay oo dadkii oo dhan ay wada cuneen. Waxay tiri Ummu Xabiiba, markii
lacagtii meherka la ii keenay, waxaan durbadiiba qaar lacagtii ka mid ah u diray
gabadhii markii hore iigu bishaaraysay guurka Rasuulka (scw), waxaana ku iri �
haddaan hanti aan haysan lahaa waan ku siin lahaa markaad ii bishaaranaysay,
hase yeeshee waxna ma aanan haysan maalintaas�.

Inkastoo ay lacagtii dahabka ay wax ka siisay, laakiin waxyar markay maqnayd way
ku soo noqotay iyadoo wadda lacagta, waxayna ku tiri �boqorka wuxuu ballan ku
qaaday inaanan waxna kaa qaadan�, sidoo kale wuxuu haweenkiisa amar ku siiyay
inay mid waliba haddiyad kuu keenaan. Subixii markii la gaaray, haween kasta
waxay awoodday oo haddiyad ah ayay la timid. Abraha oo ahayd gabadhii Ummu
Xabiiba u keentay khabarkii la xiriiray inuu Rasuulka (scw) doonayo inuu
guursado Ummu Xabiiba ayaa waxay u timid Ummu Xabiiba, waxayna ku tiri �waxaan
doonayaa inaan arrin kuu sheego�.. Ummu Xabiiba ayaa u celisay �oo maxay
arrintaasi tahay??� Abraha: �waan islaamay, oo waxaan raacay diinta Muxammad
(scw) ee fadlan iga gaarsii Nebiga salaan, una sheeg inaan rumeeyay Allaah (sw)
iyo Rasuulkiisa�, waxayna misna intaas raacisay �marnaba ha iga hilmaamin
salaantaas�.

Ummu Xabiiba waxay tiri, Abraha waxay ii diyaarisay gaadiidkii aan ku safri
lahaa, sidiina ayaan ugu safray magaalladii Madiina ee uu degganaa Rasuulka
(scw).
Ummu Xabiiba waxay tiri, Abraha waxay ii diyaarisay gaadiidkii aan ku safri
lahaa, sidiina ayaan ugu safray magaalladii Madiina ee uu degganaa Rasuulka
(scw). Markii ugu horeysay ee aan la kulmay Rasuulka (scw) waxaan uga waramay
sidii ay u dhacday doonistii iyo arooskiiba, iyo wixii aan ku wada hadalnay ama
na dhexmaray anniga iyo Abraha, waana u sheegay inay soo salaamaysay. Rasuulka
(scw) aad iyo aad ayuu ugu farxay warkii aan uga sheegay Abraha, wuxuuna yiri
�iyadana dusheeda Allaha gaarsiiyo nabadgelyadiisa, naxariistiisa iyo
barakaatkiisa.

Allaha ka raalli noqdee gabadhii sabarka badnayd, Alla ka cabsiga badnayd,
yaqiinteeda iyo iimaankeeda aadka u xeeldheeraa Ummul-miniin Ramla Bintu Abii
Sufyaan, waxay da�deedu ahayd 36 jir maalintii uu la aqal galay Rasuulka (scw),
waxayna geeriyootay sannadkii 44-aad hijriga iyadoo 72 jir ah. Waxaan Allaah
(sw) ka baryaynaa inuu u naxariisto kana raalli noqdo, Jannada Firdowsana kula
kulmayo Xabiibkeeda Rasuulka (scw), aamiin aamiin.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *